Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

JavaScript case statment

Case statement waxay lamid tahay if statement oo waxay tijaabisaa arinta suurto galka ah.  Waxaa fiican in la isticmaalaa case statement markii hal arin ay leedahay dhowr joos micnuhuna waa iyadoo halka arin leedahay dhowr qeyb [values].   Tusaale ahaan, getDate waa tixraace [method] soo celiya maalin, maalintaas oo noqonkarta maalin ka mid ah 7 maalmood ee maalmaha asbuuca, hadaba taas waxay keentay inay maalintu todobada maalmood miday doonto noqon karto.  Si lagu ogaado tay tahay waxaad isticmaali kartaa case statement si aad u go aan satid una soo saartid qoraal maalinta laxiriira sida "maanta waa jimce" oo kale.

Dhismaha [syntax] case statement tiga waasaan:
switch(arin)
{
 case value:
  qoraal laxiriira arintan
}
value waa arin kamid ah kuwa badan aad haysatid.  Hadii arimuhu wax saxa lahayn, waxay soo celisaa wixii qeybta ismabadashada [default] lagu qeexay

Tusaalahan ayaa katix raaci kartaa isticmaalka case statement:
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
<!--
var maalin = new Date()
maanta=maalin.getDay()
switch (maanta)
{
case 1:
  alert("Maanta waa isniin")
  break
case 2:
  alert("Maanta waa talaada")
  break
case 3:
  alert("Maanta waa arbaca")
  break
case 4:
  alert("Maanta waa khamiis")
  break
case 5:
  alert("Maanta waa jimce")
  break
case 6:
  alert("Maanta waa sabti")
  break
case 0:
  alert("Maanta waa axad")
  break
}
//-->
</script>
</body>
</html>
tusaalahan waxaan qeexnay variable maanta aana kadhignay date object. getDay waa method horay looqoray oo kombuyuutarku yaqaan, method kaas oo isna yaqaan maalmaha asbuuca tira ahaan 0 ilaa 6 ay 0 tahay axad 6 na tahay sabti. switch waa sida if oo kale oo waxay tijaabisaa arinta [condition] .   [case value] na waxay soosaartaa markii arintu run tahay. break waxay ka hortag taa inay sii socoto tijaabadu markii arintu run tahay ama wax latijaabiyaa eyan harin.
Arintaan oo kale ma u baahnin [default], waayo maalinkasta waa maalin oo marwalba arintu runbay noqon.

Tusaalaha soo socda wuxuu isticmaalin default maxaa yeelay wuxuu weydiin isticmaalaha [user] inuu qoro nambar udhexeeya 1 ilaa 3.  Haduu wax kale qorana?.

<body>
<script type="text/javascript">
var n=prompt("Qor nambar udhexeeya 1 ilaa 3:",0)
switch(n)
{
case(n="1"):
  alert("Waxaad qortay "+n);
break
case(n="2"):
  alert("Waxaad qortay "+n);
break
case(n="3"):
  alert("Waxaad qortay "+n);
break
default:
  alert("Khalad, ma aadan qorin nambar sax ah");
break
}
</script>
</body>

If statement Loops
PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware